Facebook Timeline

Nugaal University

1 week 1 day ago

Hambalyo Ardayda Kuliyadda Cilmiga Tignoolajiyada ee Jaamacadda Nugaal

Waxaa si guul leh u qabsoomay difaaca mashaariicda qalin-jabinta (Final Project Defense) ee ardayda Kuliyadda Cilmiga Tignoolajiyada (Faculty of Computer Science).

Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan ardayda si guul leh u dhammaystiray Degree-ga Koowaad. Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaal, karti, iyo aqoon ay soo hureen sannadihii waxbarashada.

Hambalyo Class of 2026! Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.

#NugaalUniversity #FacultyOfComputerScience #Graduation2026

Nugaal University

1 week 3 days ago

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Waqooyi Bari, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada DWB, ayaa maanta booqasho shaqo ku yimid Jaamacadda Nugaal.

Ujeeddada booqashadu waxay ahayd kormeerka iyo dhiirrigelinta Tababarka Horumarinta Aqoonta Macallimiinta ee ka socda Jaamacadda Nugaal, kaas oo ay ka faa'iideysanayaan macallimiinta ka kala yimid deegaannada Dowlada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
Info@Nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

1 week 5 days ago

Sawiro: Jaamacadda Nugaal oo door weyn ka qaadatay qabanqaabada iyo isku-dubbaridka Madasha Laascaanood Forum 2026.

Nugaal University

1 week 5 days ago

Jaamacadda Nugaal iyo ka qayb-galka Xuska Sanad guurada kowaad ee Dawlad Gobaleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Nugaal University

1 week 5 days ago

Ardayda Jaamacadda Nugaal iyo ka qayb-galka Xuska Sanad guurada kowaad ee Dawlad Gobaleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Nugaal University

2 weeks 46 minutes ago

Ardayda Jaamacadda Nugaal iyo Xuska Sanad guurada Dawlada Waqooyi Bari Soomaaliya, 30 luulyo 2026.

Hambalyo dhammaan shacabka iyo dawlada reer waqooyi Bari Soomaaliya.

Nugaal University

2 weeks 1 day ago

Muxaadiro dadweyne | Public Lecture.

Jaamacadda Nugaal waxay martigelisay
Madashan aqooneed waxaana lagu falanqeeyey mowduuca: "Lectures on Pre and Post-Colonial Perspective: Reflection and Its Impact."
Casharrada waxaa soo jeediyey Prof. Markus iyo Dr. Rano, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda gumaysiga ka hor iyo ka dib, saamayntiisa, iyo casharrada laga baran karo si loo dhiso mustaqbal wanaagsan.

Qabanqaabadda madashan waxaa isla kaashaday qaar Ka mid ah Jaamacadaha Waqooyi Bari Soomaaliya.

Nugaal University โ€“ Inspiring Knowledge, Shaping the Future.
#LasanodForum2026 #NugaalUniversity #HigherEducation #Research #AcademicExcellence #Somalia

Nugaal University

2 weeks 2 days ago

๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ๐™Š ๐™Ž๐™„๐™„๐™‰๐™๐˜ผ ๐˜ผ๐™๐˜ฟ๐˜ผ๐™”๐˜ฟ๐™„๐™„ ๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐™ˆ๐™ˆ๐˜ผ๐™”๐™Ž๐˜ผ๐™๐˜ผ๐™” ๐™๐˜ผ๐˜ฝ๐˜ผ๐˜ฝ๐˜ผ๐™๐™†๐˜ผ ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ฝ๐˜ผ๐˜ฝ๐™†๐˜ผ ๐˜พ๐˜ผ๐™Ž๐™๐™„๐™‚๐˜ผ ๐˜ผ๐™ƒ ๐™€๐™€ ๐™“๐™Š๐™‚ ๐™๐™๐™๐™๐™„๐™‰๐™๐˜ผ & ๐™๐˜ผ๐™‡๐˜ผ๐™‰๐™Œ๐˜ผ๐™”๐™‰๐™๐˜ผ ๐™“๐™Š๐™‚๐™a

Waxaa si rasmi ah usoo gabagaboobay tababar socday 6 maalmood, kaas oo lagu baranayay Hababka Casriga ah ee Xog Ururinta & qalabka Falanqaynta Xogta (Data Collection & Data Analysis Tools).

Tababarka waxaa bixinayay Ustaad Abdikani Nour Jama
iyo Ustaad Mohamed Abdurahman Ruush, kuwaas oo ardayda ku tababaray xirfado casri ah oo wax-ku-ool u ah cilmi-baadhista, maamulka xogta iyo suuqa shaqada.

Intii uu tababarku socday, ardaydu waxay qaateen aqoon iyo xirfado muhiim ah, iyagoo si guul leh u dhammaystay dhammaan casharradii iyo tababarradii loo qorsheeyay.

Maamulka Jaamacadda ayaa ku bogaadiyay dhammaan ardayda dhammaysatay tababarka iyagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo sida ay uga go'an tahay horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda.

Sidoo kale, Maamulka Jaamacaddu wuxuu Shahaado Sharaf guddoonsiiyay labadii macallin ee bixiyay tababarka, iyagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda.

๐˜ผ๐™ก๐™ก๐™–๐™ ๐™ˆ๐™–๐™๐™–๐™™ ๐™‡๐™š๐™
๐™“๐™–๐™›๐™ž๐™ž๐™จ๐™ ๐™ž๐™ž ๐™’๐™–๐™ง๐™›๐™–๐™–๐™›๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™ญ๐™ž๐™™๐™๐™ž๐™ž๐™™๐™๐™ ๐™– ๐™™๐™–๐™™๐™ฌ๐™š๐™ฎ๐™ฃ๐™–๐™๐™– ๐™…๐™–๐™–๐™ข๐™–๐™˜๐™–๐™™๐™™๐™– ๐™‰๐™ช๐™œ๐™–๐™–๐™ก
๐™„๐™ฃ๐™›๐™ค@๐™‰๐™ช๐™œ๐™–๐™–๐™ก๐™ช๐™ฃ๐™ž๐™ซ๐™š๐™ง๐™จ๐™ž๐™ฉ๐™ฎ.๐™š๐™™๐™ช.๐™จ๐™ค

Nugaal University

2 weeks 2 days ago

๐™ˆ๐™ช๐™ญ๐™–๐™–๐™™๐™–๐™ง๐™ค ๐™‚๐™ช๐™ช๐™™

Caawa oo taarikhdu tahay, 28, luulyo 2026, Jaamacadda Nugaal waxaa ka qabsoomaya Muxaadaro Guud oo ay jeedin doonaan cilmi-baadhayaal caalami ah. Waa fursad qaali ah oo lagu kororsanayo aqoon iyo khibrad

Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
Info@Nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

2 weeks 6 days ago

๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ก๐˜‚๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ๐—™๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ.

Madasha Aragtiyaha ee Laascaanood waa madal lagu wadaago isla markaasna lagu gorfeeyo aragtiyaha muhiimka ah ee la xidhiidha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta kuwaas oo taabanaya guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya. Madashan waxaa ka qayb gelaya khuburo ku xeeldheer falkinta iyo lafagurka afkaaraha siyaasiga ah iyo marxaladaha deg-degga isu beddelaya ee maanta dunida ka taagan. Waxay isugu jirtaa soo bandhigista cilmi-baadhisyo, khudbado ama muxaadarooyin, iyo kulan-doodeedyo lagu falanqaynayo mowduucyada madasha yaalla.
Madashu waxay ka furmi doontaa magaalada Laascaanood 29 ka Luulyo, 2026. Mowduuca sannadkani waa โ€œDawladda-goboleedka Woqooyibari iyo Isbeddelka Geeska Afrikaโ€
Waxaa iska kaashaday qabashada madashan ururro bulsho iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Woqooyi bari.


Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

3 weeks 21 hours ago

๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ ๐š๐š๐ฅ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐„๐—๐”๐’.

Jaamacadda Nugaal ayaa maanta ka qayb gashay Shirka Isku-dubaridka Arrimaha Horumarinta iyo Baniโ€™aadannimada (NEXUS), oo diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025โ€“2029). Ayna Soo qaban qaabisey wasaaradda qorsheynta Dawlad Gobaleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo xidhidhka caalamiga ah ee Dawlada Federalka Soomaaliya.

Jaamacaddu waxay adkaynaysaa in aqoonta, cilmi-baadhista iyo hal-abuurku yihiin furaha horumarka waara, isla markaana ay ka go'an tahay inay dowladda iyo bah-wadaagta kala shaqeyso soo saarista xalalka wax-ku-oolka ah ee dalka hormarinaya.

#NugaalUniversity #NTP2025_2029 #NEXUS #Research #Innovation #HigherEducation

Nugaal University

3 weeks 3 days ago

Jaamacadda Nugaal, ururka HADWA iyo wafdi ka socda Hay'adda Deniz Feneri ayaa maanta isla qaatay sidii degaanka looga hirgelin lahaa dugsi sare oo lagu barto farsamada gacanta oo casri ah.

Dhinacyada ayaa kala qaatay shaqooyin iyo masuuliyado lagu hirgelinayo dugsi sare oo farsamada gacanta lagu barto oo degaanka laga hirgelinayo.

Kulanka ayaa lagu xoojiyey iskaashiga dhinacyada ee horumarinta waxbarashada, farsamada, iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.

Allah Mahad Leh
Xafiiska warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

3 weeks 6 days ago

๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—น-๐—™๐˜‚๐—ฟ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ข๐—ผ ๐—ž๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ก๐˜‚๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ฆ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ.

Waxaa si rasmi ah Jaamacadda Nugaal uga furmay Siminaarka Waxbarashada ee ardayda dugsiyada sare iyo jaamacadaha, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Al-Furqaan.

Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

3 weeks 6 days ago

Daahfurka Tababarka Xog Ururinta iyo Falanqaynta Xogta ( Data Collection and Data Analysis ) ee Jaamacadda Nugaal.

Caawa waxaa si rasmi ah uga bilaabmay Jaamacadda Nugaal tababarka Data Collection and Data Analysis, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah ee xog ururinta iyo falanqaynta xogta.

Inta uu socdo tababarku, ka qaybgalayaasha waxaa lagu bari doonaa hababka casriga ah ee xog ururinta sida Google Forms iyo KoboToolbox, iyo sidoo kale adeegsiga SPSS, oo ah barnaamij muhiim u ah falanqaynta iyo maaraynta xogta.

Marka ay dhammaystaan tababarkan, ardaydu waxay yeelan doonaan awood iyo xirfad ay si hufan ugu isticmaalaan qalabkan casriga ah, iyagoo ka shaqayn kara ururinta, habaynta iyo falanqaynta xogta.

Horumarinta aqoonta xogta waa furaha goโ€™aan qaadasho sax ah.
Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
Info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

1 month 15 hours ago

Siminaar Aqooneedka Xagaaga ee Ardayda Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha, kaas oo ah barnaamij aqoon-kororsi ah oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Al-Furqaan, iyaga oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DWBS, si kor loogu qaado tayada iyo xirfadaha ardayda xilliga nasashada. Siminaarkan ayaa lagu qabanayaa xarunta Jaamacadda Nugaal, oo martigelinaysa barnaamij aqooneedkan muhiimka ah.

Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
Info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

1 month 2 days ago

Sawirro: Eng. Abdihalim Aadan Weli, oo ka tirsan maamulka iyo madaxda Kuliyadda Cilmiga Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Nugaal, ayaa xalay jeediyey muxaadaro muhiim ah oo diiradda lagu saaray koboca tiknoolajiyadda casriga ah iyo saameynta ay ku leedahay bulshada.

Kulanka Waxaa soo qaban qaabiyey Bahda Fair( forum for awareness impact and reform)

Nugaal University

1 month 4 days ago

TABABAR KU SAABSAN XOG URURINTA & FALANQAYNTA XOGTA.

Jaamacadda Nugaal waxaa ka qabsoomaya Tababar Heer Sare ah oo loogu talagalay ardayda Jaamacadaha, cilmi-baarayaasha, iyo dhammaan dadka danaynaya xog ururinta iyo falanqaynta xogta.

Tababarkani 100% waa Practical, waxaana lagu baran doonaa adeegsiga qalabka ( tools) casriga ah ee loogu isticmaalka badan yahay cilmi-baarista iyo mashaariicda horumarinta.

Waxa aad baran doonto: 1. Introduction to Data Collection & Data Analysis
2. Google Forms โ€“ Habka casriga ah ee xog ururinta
3. KoboToolbox โ€“ qaabka kobo toolbox loo sameeyo (Setup) , diyaarinta foomamkiisa iyo qaabka xog loogu ururiyo

4. SPSS โ€“ Falanqaynta xogta cilmi-baarista, (Research & Thesis)

๐Ÿ“… Muddada: 5 Habeen
๐Ÿ•ก Waqtiga: 6:30 PM โ€“ 8:30 PM (Bacdal-Maqrib)
Bilaabashada: 15/07/2026

Shuruudaha Ka-qaybgalka: Waa in Ardaygu Wattaa Laptop (Computer) muddada tababarku socdo.

Waa fursadd aad ku baranayso xirfadaha casriga ah ee xog ururinta iyo falanqaynta xogta, kuwaas oo muhiim u ah cilmi-baarista, Thesis-ka, iyo shaqooyinka horumarinta.

Si aad isku diiwangalisid Kusoo biir Whatsapp groupkan: chat.whatsapp.com/EloWVemxPUb5TEDwTTnE0L?s=cl&p=a&ilr=4

Wixii faahfaahina kala xidhiidh whatsapp:_ +252636009440

Nugaal University

1 month 1 week ago

Jaamacadda Nugaal waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 1-da Luulyo, sannad-guurada 66-aad ee Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.
Hambalyo 1-da Luulyo
#1daLuulyo #Midnimo #GuulSoomaaliyeed #JaamacaddaNugaal.

Nugaal University

1 month 1 week ago

๐—™๐—จ๐—ฅ๐—ฆ๐—”๐—— ๐—–๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐— ๐—œ ๐—”๐—› | ๐——๐—”๐—”๐—— ๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐˜๐—ฒ๐—ฑ ๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐——๐˜‚๐—ฎ๐—น ๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ๐˜€ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿณโ€“๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿด. Jaamacadda Nugaal University, waxay si weyn u soo dhoweynaysaa furitaanka codsiyada DAAD (German Academic Exchange Service) ee barnaamijka Integrated International Dual Degree Programs 2027โ€“2028. Barnaamijkan wuxuu dhiirrigelinayaa iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha dalka Jarmalka iyo jaamacadaha caalamiga ah si loo hirgeliyo Joint Degree iyo Double Degree Programs, kuwaas oo u oggolaanaya ardayda inay waxbarashadooda ku kala qaataan labada jaamacadood, kuna qalin-jabiyaan laba shahaado ama hal shahaado oo wadajir ah. Tani waxay fursad muhiim ah u tahay jaamacadaha Soomaaliyeed ee yeesha iskaashi rasmi ah oo ay la galaan jaamacado ku yaalla dalka Jarmalka, iyadoo sare loo qaadayo tayada waxbarashada, cilmi-baarista, is-weydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga tacliimeed ee heer caalami. Nugaal University waxay sii xoojinaysaa dadaalladeeda ku aaddan dhismaha iskaashi caalami ah oo u horseeda ardaydeeda iyo macallimiinteeda fursado waxbarasho, cilmi-baaris iyo horumar xirfadeed oo caalami ah. Faahfaahinta barnaamijka iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose. Halkan ka eeg Jaamacadaha diiwaangashan www.daad.de/de/laenderinformationen/afrika/somalia/ueberblick-bildung-und-wissenschaft/ #NugaalUniversity #DAAD #InternationalPartnerships #JointDegree #DoubleDegree #HigherEducation #Germany #GlobalEducation ๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐ก ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ ๐š๐š๐ฅ. ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ง๐ฎ๐ ๐š๐š๐ฅ๐ฎ๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ.๐ž๐๐ฎ.๐ฌ๐จ

Nugaal University

1 month 3 weeks ago

FARIIN HAMBALYO IYO DUCO.

Bahda Jaamacadda Nugaal waxay hambalyo, dhiirrigelin iyo duco u dirayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee saaka u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah, gaar ahaan ardayda reer Waqooyi Bari Soomaaliya.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo nasiib wacan.

Dadaalkiinna iyo juhdigiinna Alle ha idiinka dhigo mid mira-dhala, hana idinku guuleeyo natiijooyin farxad iyo mustaqbal wanaagsan idiin horseeda.

Guul iyo gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa.

-------Allah Mahad Leh------
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
Info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

1 month 3 weeks ago

HAMBALYO ARDAYDA JAAMACADDA NUGAAL.

Maamulka, Macallimiinta iyo dhammaan Bahda Jaamacadda Nugaal waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda si guul leh u soo gabagabeysay imtixaannadii dhammaadka sanad-tacliimeedka 2025โ€“2026.

Waxaan idiin rajaynaynaa nasiino wanaagsan iyo guulo ka sii waaweyn mustaqbalka. Alle ha idiin fududeeyo himilooyinka aad hiigsanaysaan, hana idinka dhigo kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba anfaca.
Hambalyo mar kale dhammaan ardayda Jaamacadda Nugaal ee dhammeystay imtixaannada sanad-tacliimeedka 2025โ€“2026.

---------Allah Mahad Leh--------
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal .
Info@nugaaluniversity.edu.so

Nugaal University

2 months 6 days ago

๐™…๐˜ผ๐˜ผ๐™ˆ๐˜ผ๐˜พ๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™‰๐™๐™‚๐˜ผ๐˜ผ๐™‡, ๐™‡๐˜ผ๐™Ž๐˜พ๐˜ผ๐™‰๐™Š๐™Š๐˜ฟ
Maalintii labaad ee Bandhigga Hal-abuurka Ganacsi ee ardayda Kuliyadda Business Administration & Management iyo Kuliyadda Public Administration ee Jaamacadda Nugaal.

Bandhiggan oo qayb ka ah koorsada ๐˜ฝ๐™ช๐™จ๐™ž๐™ฃ๐™š๐™จ๐™จ ๐™€๐™ฃ๐™ฉ๐™ง๐™š๐™ฅ๐™ง๐™š๐™ฃ๐™š๐™ช๐™ง๐™จ๐™๐™ž๐™ฅ ayaa ardaydu ku soo bandhigayaan fikrado ganacsi iyo xirfadaha ay ka barteen waxbarashadooda.
Maalintan labaad, booqdayaasha bandhigga ayaa fursad u helaya inay si dhow ula socdaan mashaariicda iyo fikradaha ay ardaydu soo bandhigayaan, kuwaas oo diiradda saaraya xalal ganacsi oo wax ku ool ah iyo horumarinta bulshada.

Jaamacadda Nugaal waxay sii waddaa dadaallada ay ku horumarinayso hal-abuurka, shaqo-abuurka, iyo xirfadaha ardayda, iyadoo ku dhiirrigelinaysa inay aqoonta fasalka ku bartaan u beddelaan waxqabad dhab ah oo waxtar u leh bulshada.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda ka qaybgalaysa bandhiggan qiimaha badan, kuwaas oo soo bandhigaya karti, hal-abuur, iyo himilooyin mustaqbal oo ifaya.
#NugaalUniversity #Entrepreneurship #Innovation #StudentExhibition #BusinessIdeas #FutureLeaders #Lascanod

Nugaal University

2 months 6 days ago

Ardayda Kuliyadda Computer Science ee Jaamacadda Nugaal ayaa soo bandhigayay mashaariic (projects) xirfadeed oo ku saabsan๐™€๐™ก๐™š๐™˜๐™ฉ๐™ง๐™ค๐™ฃ๐™ž๐™˜๐™จ ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™๐™ค๐™—๐™ค๐™ฉ๐™ž๐™˜๐™จ, iyagoo adeegsanaya Sensors kala duwan iyo teknoolajiyad casriga ah.

Mashaariicdani waxay muujinayaan kartida, hal-abuurka, iyo aqoonta ay ardaydu u leeyihiin xallinta dhibaatooyinka dhabta ah ee bulshada iyagoo adeegsanaya tiknoolajiyadda.

๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ญ๐ž๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฒ๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š.

#NugaalUniversity #ComputerScience #Robotics #Electronics #Innovation #Technology #STEM

Nugaal University

2 months 1 week ago

๐™…๐˜ผ๐˜ผ๐™ˆ๐˜ผ๐˜พ๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™‰๐™๐™‚๐˜ผ๐˜ผ๐™‡, ๐™‡๐˜ผ๐™Ž๐˜พ๐˜ผ๐™‰๐™Š๐™Š๐˜ฟ.

Ardayda Kuliyadda Business Administration & Management iyo Kuliyadda Public Administration ee Jaamacadda Nugaal ayaa bilaabay bandhig hal-abuur ganacsi oo qayb ka ah koorsada ๐˜ฝ๐™ช๐™จ๐™ž๐™ฃ๐™š๐™จ๐™จ ๐™€๐™ฃ๐™ฉ๐™ง๐™š๐™ฅ๐™ง๐™š๐™ฃ๐™š๐™ช๐™ง๐™จ๐™๐™ž๐™ฅ.

Bandhiggan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ardaydu ku soo bandhigayaan fikrado iyo hal-abuur ganacsi oo ka tarjumaya aqoontooda, hal-abuurkooda, iyo xirfadaha ay ka kororsadeen waxbarashadooda.

Jaamacadda Nugaal waxay si joogto ah u garab taagan tahay ardaydeeda, iyadoo ku dhiirrigelisa in aqoonta ay bartaan loo beddelo waxqabad dhab ah (practical application).

Sidoo kale, Jaamacaddu waxay sii waddaa dhiirrigelinta hal-abuurka, shaqo-abuurka, iyo horumarinta xirfadaha ardayda si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha iyo ganacsatada mustaqbalka.
Hambalyo dhammaan ardayda ka qaybgalaysa bandhig hal-abuureedkan qiimaha badan.

#NugaalUniversity #Entrepreneurship #Innovation #StudentExhibition #Lascanod

Nugaal University

2 months 2 weeks ago

Jaamacadda Nugaal waxa ay hambalyada iyo farxadda Ciidul Adxaa la wadaageysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta, iyo guud ahaan bahda waxbarashada.

Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, kana yeelo ciidan mid nabad, barwaaqo iyo kheyr ku soo laabata dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ciid Wanaagsan! Ciid Mubaarak!

#CiidMubaarak #EidAlAdha1447 #JaamacaddaNugaal #NugaalUniversity #Somalia