Jaamacadda Nugaal ayaa habeennimadii xalay si rasmi ah u daahfurtay tartanka kubadda cagta ee ay ku tartamayaan kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro, Xildhibaanno, maamulka jaamacadda, macallimiin iyo midowga ardayda jaamacadda.
Ciyaartii furitaanka ayaa dhex martay labada kuliyadood ee Faculty of Education iyo Faculty of Computer Science, taas oo ahayd mid xiiso leh oo muujisay tartan adag iyo xirfad sare.
Jaamacadda Nugaal waxay mar walba dhiirrigelisaa is-dhexgalka, wadajirka iyo horumarinta hibada ardayda.
Allah Mahad Leh
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
info@nugaaluniversity.edu.so
Jaamacadda Nugaal University, Ololaha ogow oo Aafuri walalkaa.
Jaamacadda Nugaal
Machadka Horumarinta Xirfadaha iyo Aqoonta Joogtada ah ee Jaamacadda Nugaal Centre for Professional and Continuing Education (CPCE) ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey arday dhammaystay tababarka Data Collection and Analysis. 📊
Hambalyo dhammaan ka-qaybgalayaasha!
Allah Mahad Leh
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
info@nugaaluniversity.edu.so
Nugaal University, Ololaha ogow oo Aafuri walalkaa.
Jaamacadda Nugaal, iyadoo ka duuleysa xoojinta is-dhexgalka ardayda iyo kor u qaadista ciyaaraha, waxay qabaneysaa tartan ciyaareed dhex mari doona kuliyadaha Jaamacadda.
#NugaalUniversity #NugaalStudents #NugaalCampus #NugaalEducation #StudyAtNugaal #NugaalLife #NugaalScholars #HigherEducationSomalia #SomaliaUniversities #NugaalAcademics #FutureLeaders #StudentSuccess #NugaalEvents #NugaalCommunity #LearnGrowLead #EducationForFuture
Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
info@nugaaluniversity.edu.so
𝙅𝙖𝙖𝙢𝙖𝙘𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙉𝙪𝙜𝙖𝙖𝙡. 𝙊𝙡𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖: “𝙊𝙜𝙤𝙬 𝙤𝙤 𝘼𝙖𝙛𝙪𝙧𝙞 𝙒𝙖𝙡𝙖𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖” Midowga Ardayda Jaamacadda Nugaal ayaa maanta si rasmi ah u fuliyey ololaha samafalka ah ee “Ogow oo Aafuri Walaalkaa.” Ololahani wuxuu ujeedkiisu ahaa: • Xoojinta iyo is-garab istaagga bulshada • Taageeridda qoysaska danyarta ah xilliga Afurka • Kobcinta dareenka walaaltinimada iyo masuuliyadda bulshada. Ardayda Jaamacadda Nugaal waxay muujiyeen hoggaan, wacyi, iyo damqasho bulsho, iyagoo si toos ah uga qayb qaatay afurinta qoysas u baahan gargaar. “𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘁𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗺𝗮 𝗮𝗵𝗮 𝗳𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮, 𝗯𝗮𝗹𝘀𝗲 𝘄𝗮𝗮 𝗳𝗶𝗰𝗶𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼.” #NugaalUniversity #NugaalStudents #NugaalCampus #NugaalEducation #StudyAtNugaal #NugaalLife #NugaalScholars #HigherEducationSomalia #SomaliaUniversities #NugaalAcademics #FutureLeaders #StudentSuccess #NugaalEvents #NugaalCommunity #LearnGrowLead #EducationForFuture Allah Mahad Leh Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal. info@nugaaluniversity.edu.so
Shir Sanadeedkii SomaliREN oo si Habsi Leh ugu Soo Gabagaboobay Nairobi. Waxa maanta si habsi leh magaalada Nairobi, Kenya, ugu soo gabagaboobey shir sanadeedkii Jaamacadaha Somaliyeed, Somali Research Education Network (SomaliREN). Jaamacadaha madashan ku midaysan ahna Jaamacadaha ugu tunka weyn Jaamacadaha Somalia, ayaa waxay tiradoodu gaadhayaan 29 Jaamacadood iyo 2 xarun cilmi baadhiseed. Jaamacadahan oo ay Hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Somaliyeed ( Somali National University), ayaa shir sanadeed walba waxa lagu falanqeeyaa dibna loogu milicsadaa wixii ka qabsoomey qorshihii sanadkii hore la dejiyey. Iyadoo la qiimaynayo waxa fully iyo waxan ka fulin. Sidoo kale waxa laysku dhaafsadaa afkaar sidii loo xoojin lahaa kala faa’iidaysiga xidhiidhka ka dhaxeeya jaamacadaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka. Jaamacadaha Nugaal ayaa 15kii sano ee danbeeyey xubin firfircoon ka aheyd daladan ay samaysteen Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi baadhista Somaliya. Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal Prof. Abdirizak Mohamed Aden (Abdirizak Lafoole), ayaa shir sanadeedka ku matalayey Jaamacadda Nugaal iyo bahda waxbarashada ee Dowladda Waqooyi Bari, Somalia. #NugaalUniversity #NugaalStudents #NugaalCampus #NugaalEducation #StudyAtNugaal #NugaalLife #NugaalScholars #HigherEducationSomalia #SomaliaUniversities #NugaalAcademics #FutureLeaders #StudentSuccess #NugaalEvents #NugaalCommunity #LearnGrowLead #EducationForFuture Allah Mahad Leh Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal. info@nugaaluniversity.edu.so
𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒
𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐮𝐠𝐚𝐚𝐥.
Dhammaan ardayda Jaamacadda waxaa la ogeysiinayaa in natiijooyinka imtixaannada laga eegan karo habka online.
𝗙𝗮𝗱𝗹𝗮𝗻 𝗯𝗼𝗼𝗾𝗼:nugaaldatabase.com/
Habka loo galo:
𝐀) 𝐆𝐚𝐥𝐢 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐞𝐧𝐭 𝐈𝐃-𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚
𝐁) 𝐆𝐚𝐥𝐢 𝐏𝐚𝐬𝐬𝐰𝐨𝐫𝐝-𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚
Markaad gasho, waxaad arkaysaa dhammaan natiijooyinka imtixaankaaga.
Haddii ay jiraan cabasho ama khalad:
𝗙𝗮𝗱𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗯𝗼 (2) maalmood gudahood kula xidhiidh Hormuudka Kulliyaddaada.
𝐅𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡:
Haddii aad beddeshay password-ka, fadlan xasuuso password-ka cusub ee aad dhigatay.
____________________
Allah Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha
Jaamacadda Nugaal.
Nugaaluniversity@gmail.com
KH U D B A D K U S A A B S A N S U G N A A N T A C U N T A DA.
Prof. Abdirizak Mohamed Aden, Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal, ayaa khudbad aqooneed muhiim ah ka jeediyey Jaamacadda SamSam University Muqdisho, taas oo si qoto dheer diiradda u saartay Sugnaanta Cuntada iyo doorka ay ku leedahay horumarinta nolosha reer miyiga.
Gudoomiyahuwuxuu carrabka ku adkeeyey in:
✅ Cuntadu tahay saldhigga adkaysiga iyo jiritaanka bulshada
✅ Sugnaanta cuntadu ay laf-dhabar u tahay horumar dhaqaale iyo bulsho
✅ Reer miyigu ay yihiin tiirka wax-soo-saarka dalka
✅ Jaamacaduhu door hoggaamineed ku leeyihiin xal-u-helidda caqabadaha cuntada
Sisoo kale, Gudoomiye Abdirizak ayaa tilmaamay in horumar waara aan la gaari karin iyadoo aan la xaqiijin helitaanka cunto ku filan, tayo leh, isla markaana waarta. Sugnaanta cuntadu waa arrin la xiriirta nabad, caafimaad, iyo mustaqbal.
Jaamacadda Nugaal meelkasta ay joogtaba waxay hormuud u tahay kobcinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo wacyigelinta bulshada.
Allah Mahad
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
info@nugaaluniversity.edu.so
Waxa maalintii 2aad si habsami leh uga socda magaalo madaxda Somaliya ee Muqdisho shirweynihii Qaranka ee Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare. Wasaaradda ayaa sanadkii halmar qabata shir sanadle ay isugu yimaadaan daneeyayaasha waxbarashada ee Somaliya.
Shirkan ayaa waxa laga casuumay dhammaan wasaaradaha waxbarashada ee Dowlad Gobaleedyada Somaliya. Shirkan ayaa waxa ka qayb galaya madax sare oo ka socota Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Gobaleedka Waqooyi Bari iyo Jaamacadda Nugaal ee Dowladda Waqooyi Bari oo uu matalayo Gudoomiyaha Jaamacadda Prof. Abdirizak Mohamed Aden.
Wafdiga shirkan u matalaya Dowlad Gobaleedka Waqooyi bari ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka Waxbarashada Mudane Daahir Ingaydh iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Farduus Ali Shire.
Shirka ayaa waxa diiradda lagu saarayaa kor u qaadida tirada da’yarta Somaliyeed ee waxbarashada u baahan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada tacliinta. Shirka ayaa waxa Daahfurey Raysal Wasaare Xamse Abdi Bare, waxana soo xidhi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud.
Allaa mahad leh.
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
info@nugaaluniversity.edu.so
Jaamacadda Nugaal, Laascaanood.
Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Nugaal ayaa xalay kulan wacyigelin iyo dardaaran ah la yeeshay ardayda sanadka kowaad oo si guul leh u dhammeystay Semester-kii koowaad, isla markaana u gudbay Semester-ka labaad.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda wacyiga ardayda, xoojinta anshaxa jaamacadeed, iyo dhiirrigelinta dadaalka tacliimeed ee ardayda, si ay u noqdaan kuwo ka miro dhaliya waxbarashadooda iyo mustaqbalkooda aqooneed.
Kulanka waxaa si gaar ah loogu casuumay Sheekh Yuusuf Haybe, oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, kaas oo jeediyay dardaaran qiimo badan oo ku saabsan muhiimadda aqoonta, edebta, masuuliyadda ardaynimo, iyo kaalinta ay ardaydu ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo dalka.
Ardayda, maamulka jaamacadda, macallimiinta, ayaa si wadajir ah uga faa’iideystay kulanka, iyadoo la muujiyay is-faham, wada-jir, iyo himilo mideysan oo ku aaddan tayeynta waxbarashada iyo kobcinta ardayda Jaamacadda Nugaal.
Allah Mahad Leh
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal
info@nugaaluniversity.edu.so
Jaamacadda Nugaal ayaa si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Horumarinta Xirfadaha iyo Aqoonta Joogtada ah (CPCE)
Jaamacadda Nugaal ayaa si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Horumarinta Xirfadaha iyo Aqoonta Joogtada ah, Center for Professional & Continuing Education (CPCE), taas oo ujeedkeedu yahay horumarinta aqoonta, xirfadaha shaqo, iyo tayada waxbarasho ee ardayda, xirfadlayaasha, iyo guud ahaan bulshada.
Xarunta CPCE waxay bixin doontaa barnaamijyo waxbarasho oo xirfadeed oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Dibloomooyin xirfadeed
• Shahaadooyin xirfadeed
• Seminaarro iyo aqoon-is-weydaarsiyo
• Koorsooyin gaagaaban oo xirfadeed
• Tababbarro cusboonaysiin ah (up-skilling & re-skilling)
• Aqoon-is-weydaarsiyo bilaash ah oo bulshada u-furan
Barnaamijyadan waxaa loo dejiyey in ay si buuxda ula jaanqaadaan baahida suuqa shaqada, isla markaana kor u qaadaan kartida shaqo, aqoonta gacanta, iyo fahamka xirfadeed ee ka-qaybgalayaasha.
Tababbarada iyo barnaamijyada Xarunta CPCE waxaa hoggaaminaya tababare khibrad iyo aqoon durugsan u leh horumarinta xirfadaha, Cabdirisaaq Maxamuud Cabsiiye, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya hagidda, dhiirrigelinta, iyo gudbinta aqoon wax-ku-ool ah oo ka-qaybgalayaashu si toos ah uga faa’iidaysan karaan.
Maamulka Jaamacadda Nugaal, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda, Mudane Cabdinasiir Maxamed Barre, ayaa tilmaamay in furitaanka Xarunta CPCE ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo xoojinaysa doorka jaamacaddu ku leedahay horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo awoodda shaqo ee bulshada, isla markaana ay kaalin mug leh ka qaadan doonto kobcinta xirfadaha jiilka maanta iyo kan berriba.
Allah Mahad Leh
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
info@nugaaluniversity.edu.so.
Youth Personal & Professional Growth Program.
Ogaal Forum, oo kaashanaysa Jaamacadda Nugaal Laascaanood, waxay si rasmi ah u soo bandhigaysaa tababar gaar ah oo loogu talagalay horumarinta dhallinyarada, kana shaqaynaya dhinacyada nolol-shaqsiyadeed iyo xirfadeed.
Tababarkan, oo ay marti-gelinayso Jaamacadda Nugaal, wuxuu diiradda saarayaa:
1: Dhisidda kalsoonida nafta
2: Is-fahamka iyo horumarinta aqoonta shakhsiga
3: Maareynta shucuurta
4: Dejinta yoolal cad iyo hirgelintooda
5: Maareynta waqtiga si wax-ku-ool ah
6: Ka gudbidda cabsida iyo walbahaarka
Ujeeddada tababarka waa in ka-qaybgalayaashu helaan xirfado la taaban karo oo ka caawinaya:
horumar joogto ah,
ballaarinta fursadaha shaqo, iyo
dhisidda hoggaan wax-ku-ool ah mustaqbalka.
chat.whatsapp.com/FJd8UGwVAfOEwNCNcSLBcD?mode=gi_t
Allah Mahad Leh
Xafiiska warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.
Jaamacadda Nugaal oo kaashanaysa Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Gobolka Sool, waxa ay si rasmi ah u shaacinaysaa Tababar ku saabsan Ururinta iyo Falanqaynta Xogta (Training Program on Data Collection & Analysis). Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, ardayda iyo shaqaalaha daneeya cilmi-baarista, xog-ururinta iyo falanqaynta xogta.
Inta uu tababarku socdo, ka-qaybgalayaashu waxay baran doonaan mawduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Aasaaska cilmi-baarista iyo xogta, Hababka ururinta xogta iyo sampling-ka, Maareynta iyo falanqaynta xogta
Tababar goobeed iyo ilaalinta saxnaanta xogta
Soo-bandhigidda, warbixin-qorista iyo go’aan-qaadashada
Goobta: Nugaal University
Muddada: Hal toddobaad
Bilaabashada: 5ta Febraayo
Shahaado: Haa
Qiimaha: Bilaash (Free)
Follow this link to join my WhatsApp group: chat.whatsapp.com/CR0l0nvIO918dDMdgPH2Q
Kuliyadda Computer Science (IT) ee Jaamacadda Nugaal, ayaa xalay loo qabatay kulan tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “Digital Excellence Mindset”, kaas oo ujeeddadiisu ahayd kor u qaadidda wacyiga ardayda ee la xiriira fikirka hal-abuurka, horumarka shaqsiga ah, iyo ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda casriga ah.
Kulankan waxaa si xirfad iyo aqoon leh u soo jeediyay
Ustaad Abu Hamsa, oo ah *Awareness and Development Coach*, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay sida ardaydu u dhisi karaan maskax dijitaal ah oo la jaanqaadi karta horumarka tiknoolajiyadda iyo baahiyaha isbeddelaya ee suuqa shaqada casriga ah.
Kulankan waxaa soo qaban-qaabisay Midowga Kuliyadda Computer Science (IT), iyadoo kaashanaysa Xafiiska Akademiga Jaamacadda Nugaal, si loo xoojiyo doorka jaamacaddu ku leedahay horumarinta aqoonta, kobcinta xirfadaha, iyo diyaargarowga ardayda mustaqbalkooda waxbarasho.
Jaamacadda Nugaal waxay mar walba ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo sare u qaadaya tayada waxbarashada iyo horumarinta kartida ardayda.
Allah Mahad Leh
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.