Facebook Timeline

Cover for Nugaal University
9,913
Nugaal University

Nugaal University

"What you seek is what we provide"
Leading university located in Laascaanod, providing higher Quality education and promotes economic and social development in the region

1 week ago

Nugaal University
Sawiro: qaybtii 2aad: Jaamacadda Nugaal oo Martigelisay Tababar Sare oo Ku Saabsan Kor u Qaadidda Hoggaaminta Hay’adaha.Jaamacadda Nugaal ayaa martigelisay tababar heer sare ah oo cinwaankiisu yahay “Institutional Leadership Capacity Enhancement Training”. Tababarkan oo muhiim u ah kobcinta kartida hoggaamineed ee hay’adaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Dawlad Goboleefka SSC-Khastumo, Xildhibaanno heer federaal iyo heer dawlad goboleed, maamulka sare ee Jaamacadda Nugaal, qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha Dawlad Goboleedka SSC Khaatumo, aqoonyahanno, xubno ka tirsan Guddiga Diyaarinta Dastuurka ee SSC Khaatumo, qurbajoog, iyo macallimiinta Jaamacadda Nugaal.Tababarkan waxaa bixinayey khubaro heer caalami ah oo ka socday Regional Universities Forum (RUFORUM), oo fadhigeedu yahay Jaamacadda Makerere ee Kampala, Uganda. Khubaradaasi waxa ka mid ahaa:• Prof. Anthony – Programs Implementation Manager, RUFORUM• Dr. Petros – Monitoring and Evaluation Manager, RUFORUM.Ujeeddada tababarku waxay ahayd in la xoojiyo awoodda iyo xirfadaha hoggaamineed ee hay’adaha dawladda iyo tacliinta sare, si loo gaaro horumar waara oo ku saleysan maamul hufan iyo istiraatiijiyad cilmiyeed. Jaamacadda Nugaal ayaa muujisay doorkeeda firfircoon ee ku aaddan horumarinta khibradda huggaamineed iyo hawl-wadeennada bulshada u adeegaya.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal SSC khaatumo state Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Jaamacadda Nugaal oo Martigelisay Tababar Sare oo Ku Saabsan Kor u Qaadidda Hoggaaminta Hay’adaha.Jaamacadda Nugaal ayaa martigelisay tababar heer sare ah oo cinwaankiisu yahay “Institutional Leadership Capacity Enhancement Training”. Tababarkan oo muhiim u ah kobcinta kartida hoggaamineed ee hay’adaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Dawlad Goboleefka SSC-Khastumo, Xildhibaanno heer federaal iyo heer dawlad goboleed, maamulka sare ee Jaamacadda Nugaal, qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha Dawlad Goboleedka SSC Khaatumo, aqoonyahanno, xubno ka tirsan Guddiga Diyaarinta Dastuurka ee SSC Khaatumo, qurbajoog, iyo macallimiinta Jaamacadda Nugaal.Tababarkan waxaa bixinayey khubaro heer caalami ah oo ka socday Regional Universities Forum (RUFORUM), oo fadhigeedu yahay Jaamacadda Makerere ee Kampala, Uganda. Khubaradaasi waxa ka mid ahaa:• Prof. Anthony – Programs Implementation Manager, RUFORUM• Dr. Petros – Monitoring and Evaluation Manager, RUFORUM.Ujeeddada tababarku waxay ahayd in la xoojiyo awoodda iyo xirfadaha hoggaamineed ee hay’adaha dawladda iyo tacliinta sare, si loo gaaro horumar waara oo ku saleysan maamul hufan iyo istiraatiijiyad cilmiyeed. Jaamacadda Nugaal ayaa muujisay doorkeeda firfircoon ee ku aaddan horumarinta khibradda huggaamineed iyo hawl-wadeennada bulshada u adeegaya.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal SSC khaatumo state Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Kulanka Jaamacadda Nugaal iyo Wakiillada RUFORUM.Maanta, Jaamacadda Nugaal ayaa martigelisay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah maamulka sare ee Jaamacadda, ardayda dhammaysay heerka labaad ee waxbarashada (Master Programs), iyo madax ka socotay hay’adda RUFORUM (Regional Universities Forum for Capacity Building in Agriculture).Is barasho iyo bogaadin Ka dib Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Ka war bixinta iyo soo jeedinta qaabkii hal abuurnimada lahayd ee ardaydu ugu faa'ideysteen safarkii waxbarashadooda.Wakiillada RUFORUM ee ka qeyb galay kulanka waxa ka mid ahaa:• Prof. Anthony, Programs Implementation Manager, Xarunta Dhexe ee RUFORUM, Makerere University, Kampala, Uganda.• Mr. Petros, Monitoring and Evaluation Manager, Xarunta Dhexe ee RUFORUM, Makerere University, Kampala, Uganda.Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Nugaal iyo ururada caalamiga ah ee taageera horumarinta waxbarashada sare ee gobolka. Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Xaflada qalinjebinta Ardayda heer Ka labaad ee Jaamacadda Nugaal. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Xafladda Qalin Jabinta Dufcaddii 3aad ee Master Programs ee Jaamacadda Nugaal. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Sawiro qaybtii 3aad: Xaflada qalinjebinta Ardayda dhameysey heerka labaad ee waxbarashadda Jaamacadda Nugaal University.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Sawiro qaybta 2aad: Xaflada qalinjebinta Ardayda dhameysey heerka labaad ee waxbarashadda Jaamacadda Nugaal. ... See MoreSee Less
View on Facebook

1 week ago

Nugaal University
Sawiro qaybta1: Xafladda Qalinjebinta Ardayda Master ProgramsLasaanood – 15ka Abriil 2025Jaamacadda Nugaal ayaa maanta si rasmi ah u qabatay Xafladda Qalinjebinta ee ardayda dhamaystey heerka labaad ee waxbarashada (Master-ka). Munaasabaddan qiimaha badan ayaa lagu maamuusay guusha, dadaalka iyo heeganka ardayda ka aflaxday barnaamijyada Master-ka ee Jaamacadda.Ardaydu waxay ku qalinjebiyeen barnaamijyada kala ah:• Master of Business Administration• Master of Agribusiness Value Chain ManagementXafladda waxaa kasoo qeyb galay madaxda Maamulka SSC-Khaatumo State ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Maamulka, madaxda sare ee Jaamacadda Nugaal, masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waalidiin, macallimiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.Intii ay socotay xafladda, waxaa halkaas laga jeediyey khudbado dhiirrigelin iyo hambalyo isugu jira, kuwaas oo lagu bogaadinayey ardayda dadaalka dheer ee ay muujiyeen muddadii ay ku jireen barashadooda tacliinta sare.Jaamacadda Nugaal waxay mar kale muujisay kaalinteeda hoggaamineed ee horumarinta tacliinta sare ee dalka. Ardayda maanta qalinjebisay waxay noqon doonaan hormuudka isbeddelka, horumarka iyo horudhaca bulshada Soomaaliyeed.Hambalyo dhammaan ardayda qalinjebisay!Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 weeks ago

Nugaal University
Wasiirro Ka Tirsan Dowladda Federaalka oo Kulan Hambalyo ah la Qaatay Ardayda Master-ka ee Jaamacadda NugaalWasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee JFS, Mudane Farah Sh. Abdiqadir, oo ay wehliyeen Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, iyo Wasiirka Madaxtooyada Qaranka, Mudane Gaani Maxamed Gaani, ayaa booqasho sharaf ku tegay Jaamacadda Nugaal.Wasiirrada ayaa kulan horudhac ah oo hambalyo iyo dhiirrigelin ah la yeeshay ardayda dhigata barnaamijyada Master-ka ee Jaamacadda, kuwaas oo kala ah:• Master of Business Administration• Master of Agribusiness Value Chain ManagementSidoo kale xadhiga Ka jaray library xusub ee Jaamacadda Nugaal, oo ay Buugta ugu deeqeen Books for Africa in Minnesota iyo qadar foundation.Kulankan iyo xadhig Ka jarka ayaa qayb ka ahaa dadaallada ay dowladda federaalku ugu jirto kor u qaadidda tayada tacliinta sare iyo dhiirrigelinta aqoonyahannada mustaqbalka ee dalka.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.SSC khaatumo state Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 weeks ago

Nugaal University
Bahda Jaamacadda Nugaal waxay si mug leh uga qaybqaadatay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyada oo muujisay taageero iyo qadarin sare oo ay u hayso hoggaanka Sare ee qaranka Soomaaliyeed.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 weeks ago

Nugaal University
"Soo Dhaweyn Sharaf Leh".Bahda Jaamacadda Nugaal waxay si weyn oo sharaf iyo qadarin leh usoo dhaweynayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Soo-booqashadaadu waxay astaan u tahay taageerada joogtada ah ee aad u hayso horumarinta tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan SSC-Khaatumo, state Somalia.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 weeks ago

Nugaal University
Soo Dhaweyn Sharaf LehBahda Jaamacadda Nugaal waxay si diirran u soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre. Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal. ... See MoreSee Less
View on Facebook

4 weeks ago

Nugaal University
Ciid MubaarakJaamacadda Nugaal waxay ugu hambalyaynaysaa dhammaan umadda Islaamka, gaar ahaan shacabka reer SSC-Khaatumo, munaasabadda Ciidul Fidriga. Allah ha naga aqbalo camalkii wanaagsanaynaa ee Ramadaanta.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 months ago

Nugaal University
Waxaa magaalada Nairobi ka socda shirka Golaha SomaliREN oo ay ka soo qeybgaleen madaxda jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista ee xubnaha ka ah SomaliREN. Shirkan, oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal ahna Guddoomiyaha SomaliREN, Abdirizak Mohamed Aden, ayaa diiradda lagu saaray guulihii iyo caqabadihii sanadkii hore, iyo dejinta qorshayaal lagu horumarinayo hay’adaha waxbarashada iyo cilmi-baarista Soomaaliyeed.Allah Mahad leh Xafiiska Warfaafinta Iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 months ago

Nugaal University
𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗-𝗚𝗨𝗨𝗥𝗔𝗗𝗔 𝟭-𝗔𝗔𝗗 𝗘𝗘 𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗔𝗠𝗨𝗟𝗞𝗔 𝗧𝗔𝗖𝗟𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗦𝗔𝗥𝗘 (𝗛𝗘𝗠𝗜𝗦)Jaamacadda Nugaal university lascanod, waxay hambalyo diiran u direysaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , gaar ahaan Agaasinka Guud ee Tacliinta Sare iyo kooxda farsamada ee HEMIS, munaasabadda sanad-guurada 1-aad ee nidaamka Maamulka Tacliinta Sare (HEMIS), oo ku beegneyd 20-ka Febraayo 2025.Allah Mahad leh Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal.SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 months ago

Nugaal University
Ogeysiis Muhiim Ah!Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood waxay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda jecel waxbarashada heerka jaamacadeed in la diiwaangelinayo arday cusub.Waxaa la furay laba barnaamij oo kala ah:• Diploma Program• Undergraduate Program Ardayda daneynaysa inay kusoo biiraan Jaamacadda Nugaal waxaa lagu wargelinayaa inay yimaadaan xafiiska diwaangelinta iyo qaabilaadda ardayda cusub.Allah Mahad leh Xafiiska Warfaafinta Iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

2 months ago

Nugaal University
Wafti heer Sare ah oo soo Booqday Jaamacadda Nugaal.Maanta oo ay taariikhdu tahay 8 Febraayo 2025, Jaamacadda Nugaal waxa soo booqday wafti heer sare ah oo ka kooban:1: Jaamac Cabdillaahi Caydiid, ex-safiir 2: Sh. Axmed Cabdisemed, madaxa macaahidda Islaamiga ah ee Soomaaliya3: Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur, (Social activist)4: Sh. Yaasiin Cabdillaahi ( Social activist)Intii kulanku socday, hawl wadeenada jaamacadda iyo waftigu waxay is weydaarsadeen talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta jaamacadda iyo bulshada deegaanka SSC khaatumo, Somalia.Allah Mahad leh Xafiiska Warfaafinta Iyo xidhiidhka dadweynaha Jaamacadda Nugaal. SSC khaatumo Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

3 months ago

Nugaal University
#Vacancy #AnnouncementNugaal UniversityBackground:Nugaal University (NU) is a community-owned, non-profit institution established on September 15, 2004, by academicians and professionals from the Sool region to meet the academic needs of the community. Since its inception, NU has played a pivotal role in promoting sustainable peace and development while pioneering higher education in the Sool region. The University remains committed to advancing teaching and learning, research, and community service to foster a strong connection with the community it serves.Vacant Positions:1. Senior Lecturer, Faculty of Health Science Dept. Laboratory (1 Position)2. Female Senior Lecturer, Faculty of Health Science Dept.: Nursing (1 Position)Qualifications:• Master’s degree in a relevant field for each positionLocation:Nugaal University, Lasanod, Sool, SSC-KhaatumoHow to Apply:Applicants are required to submit:1. A detailed curriculum vitae (CV) and cover letter in a single PDF document2. Copies of academic and professional certificates3. Testimonials and other supporting documentsApplication Submission:Applications should clearly indicate the job title and be submitted via email to:Email: nugaaluniversity@gmail.comApplication Deadline: February 8, 2025Media Office and Public RelationsNugaal UniversitySSC Khaatumo, Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook

3 months ago

Nugaal University
#Vacancy #AnnouncementNugaal UniversityBackground:Nugaal University (NU) is a community-owned, non-profit institution established on September 15, 2004, by academicians and professionals from the Sool region to meet the academic needs of the community. Since its inception, NU has played a pivotal role in promoting sustainable peace and development while pioneering higher education in the Sool region. The University remains committed to advancing teaching and learning, research, and community service to foster a strong connection with the community it serves.Vacant Position:Senior Lecturer, 1 PositionFaculty: Social WorkQualifications:• Master’s degree in a relevant fieldLocation:Nugaal University, Lasanod, Sool, SSC-KhaatumoHow to Apply:Applicants are required to submit:1. A detailed curriculum vitae (CV) and cover letter in a single PDF document2. Copies of academic and professional certificates3. Testimonials and other supporting documentsApplication Submission:Applications should clearly indicate the job title and be submitted via email to:Email: nugaaluniversity@gmail.comApplication Deadline: February 7, 2025.Media Office and Public RelationsNugaal UniversitySSC Khaatumo, Somalia. ... See MoreSee Less
View on Facebook