Hoolka jaamacadda nugaal oo ay Midowga Dhalinyaradda Gobolka Sool xaflad balaadhan ku qabteen

By | on July 27, 2017 | 0 Comment
Hoolka jaamacadda nugaal oo ay Midowga Dhalinyaradda Gobolka Sool xaflad balaadhan ku qabteen
0

 

waxaa xafladan ka soo qayb galay maamulka iyo ardayda jaamacadda hoolka jaamacadduna wuxuu ahaa mid ay buux dhaafiyeen dadka jecel horumarka iyo horo u socodka

—-mid kamida dhalintaas oo nala wadaagay dareenkiisa qiimiga badan

Marka kowaad waxaan aad ugu mahadcelinayaa allaaah Noo suurta gashay in noo qabsoonto xaflada bandhiga waxqabadkii Dhalinyaradda.

Waxaan caawa soo bandhignay Doorkii dhalintu ka qaadatay Gargaarka ama gurmadkii loo samaynayay dadkeena abaartu saamaysay , Dadkeena cudurka shubanku ku hamsaday , dadkeena Danyarta ah ,

Dhalintu waxay doorweyn ka qaadatay gurmadkii Abaarta ( Gaajo , Haraad, iyo dayac ) ayay dadkooda uga gargaarayeen wixii alle uga Qadaray , sidoo samata bixinta deegamaddii xaaladii adkaygdka jirtay ee cudurka shubanka ( Acute Water Diarrhea) ayay dhalintu doorweyn ka qaateen

Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa bulshada gobolka SOOL oo aan u kala hadhin sidii loogu gurman lahaa dadka abaarta iyo cuduradu saameeyen oo u badnaa dadka Miyiga .
Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay gurmadkan gaar ahaan shacabka gobolka Sool
#Bahda waxbarashada
#Bahda ganacsatada
#Bahda saxaafadda
#Dhainyaradda
#Qurba joogta
#Hooyooyinka
#hay adaha gobolka ka howlgala
#gudigii Abaarta
#gudigii ka hortaga Cudurkii shuban biyoodka
#Maamulka gobolka
#maamulka degmada

Qofkasta oo wax bixiyey oo ka qayb qaatay gurmadka waxaan alle uga baryaynaa in maalinka Danbe miisaanka xasanaadka ugu daro.

Ummaddi halka ay ka horumartaa waa dhalinta illaahay dhalita gobolka iyo kuwa soomaaliyeedba ha ka yeelo kuwii guulaysta ee dalkooda horumariya

NB : “” Dhammaan dhalinta gobolka waxaan Ogaysiinayaa in Ururku u furan yahay Talo ahaan Hogaan ahaan ka mid noqosho ahaan intaba ( waqti iyo xaalad adag ayaa lagu assaasay waana laga soo gudbay ) Ninki raba in uu wax qabtow kaalay oo ka mid noqo , kaalay oo adigu dhalinta hogaami , waxaynu u baahanay waxqabad “”

Aad baan ugu mahadnaqaynaa dhamaan ka soo qaybgalayaashii waqtgooda siiyey waxayna mudan yihiin bogaadin

Hore ha loo socda , Gadaalse maya !!!

Darwiish Anwar Maxamuud

Author Description

No Responses to “Hoolka jaamacadda nugaal oo ay Midowga Dhalinyaradda Gobolka Sool xaflad balaadhan ku qabteen”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*