War bixinta Jaamcadda 2016

By | on January 26, 2016 | 0 Comment

#BISMILAh
War bixin kooban ayaan idinka diyaariyey Jamacada Nugaal Iyo meesha ay waxmarayaan hada
Fadlan igula yara naso.
• waxaa hada soo dhaamdey kulankii ay 10ka Jaamacadood ee laga soo xulay Somalia ay lawada yeesheen university of Massachusetts ee dalka maraykanka. Jamacadan iyo jaamacadaha Somalia waxay ku heshiiyeen kor u qaadida dhanka waxbaashada ee macalimiinta Jaamacadah illaa heer #master iyo #PHD.
• Waxa kale oo ilahay inoo suuragaliyey in aynu bilowna heerka labaad ee Master program-ka dib markii aynu heshiis labo geesooda aynu lagalney Jaamacada Islamiga ah ee #IUIU ( Islamic University in Uganda)
• Sidoo kale waxaaa manta ilahay markale inoo suuragaliyey in ay heshiis wada galaan #theIslamic Online #University and #Nugaal University. Waxyaabaha ugu horeeya ee ay Jamacadan isla kaashanayaan waxaa ka mid ah dhanka Enlish language, Education, Agriculture, Public Health, Journalism and Etc. Jaamcadani waxay keeni doonta khuburo macalimmin ah khimrad dheeraadana uleh qaybaha ay ka hawlgalayaan. Jamacadan waxaa sida aynu wada ognahay Gudoomiye ka ah #Dr Bilal Philips waana muslim Canadian ah oo kunool dalka qadar.
• Waxaa sidoo kale hada caasimada dalka Somali ka socda tababar kusaabsan dhanka IT ga waxaana inoo matalaya oo xubin inooga ah Mr: Faxdi Abdirahman Alawash.
• Sidoo kale waxaa isbuuc ka hor Caasimada Dalka Somalia ee Mogadishu ka dhacay tababar ku saabsan dhanka cilmi baadhista waxaana inooga qaybgaley #Aqoonyahan #Mohamed Abdiqadir Da,ud And #Aqoonyahan #Hassan Abdulahi Samatar.
• Waxaa 5ta bisha November aynu casuumad ka helney Jaamacadii martida inoo ahayd xiligii ay jamacadeenu qalin jabinta usameyneysay ardayda dhamaysey heerarka kala duwan ee jaamacadu bixiso waana #IUIU. si aynu ugala qaybgalno qalinjabintooda.
• Waxaa 2 bilood ka dib inagu soo aadan haddii allle inaga yeelo waa amarkiisee wafti balaadhan oo ka socda ururka carabta oo aynu xubin ka noqon doono insha alllah sidii balanku ahaa shirkii inoogu danbeeyey ee aynu wada qadaney ururka carabta.
• Sidoo kale bishii dhamaatey ayey ahayd markii aynu heshiis labo geessod ah aynu la galney Jaamacad Maraykan ah oo kutaal Minnesota macalin ama bare heer sare ahna uu ka noqon doono Gudoomiye Jamacada Nugaal #Prof Abdirizak M. Adem xiliga Summer time ka uuna aadayo summer kasta waa ilaahay idinkiiye. Jaamacadaas oo magaceedu yahay #metropolitan state university in Minnesota. waxaana waxbarasho online ah ka qaata hada 18 arday oo Jamacada Nugaal ah waxayna qaataan courses ah English training waxaana mashruucaa hogaamiye iyo hawlwadeen ka ah General secretary of Nugaal University #Mss.: Aniza Abdulah.
W/q: Garaad Abdi H. Mohamoud
Laascanood Sool Region

            

Tags:

Author Description

No Responses to “War bixinta Jaamcadda 2016”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*