Cilmi Baadhis ah oo laga Qoray Beera Gobolka Sool

By | on January 26, 2013 | 0 Comment

Kulan aad loosoo agaasimay oo ka dhacay hoolka Jaamacada Nugaal Galbta ayaa waxa lagu so bandhigay Cilmi baadhis Ay sameyen Ururka Alfurqan *Multaqaha* oo laga sameeyay beeraha Gobolka sool.
kulankan aya waxa kaso qaybgalay Qaybaha Kala duwan ee bulshada Gobolka oo ay Ugu horreyaan Culimada, Bahda waxbarashada, Iyo Madaxda Gobolka Oo ugu horeyo Gudomiyaha G sool.
Ugu Horayn waxa kulanka Furay Gudomiyaha Golaha alfurqan #Sh_Mowliid oo Ka warbixiyay Golaha iyo shaqadiisa Kana hadlay Cilmi baadhsitan iyo faaiidadeeda.
waxa isna kulanka kalmad kaso jediyay Masuulka Guud ee Dacwada Gobolka #Sh_Saciid Muuse Oo Kulataliyay dadka in wax la aqriyo Buugana Laga faaidaysto .
#Prof_Lafole Gud jamacada Nugaal Ayaa aad ugu dheeraaday Muhiimada ay ledahay beerashadu iyo qaybeheeda sido kalena U shegay bulshada inay ku daydaan Qorayaasha buugan oo Cilmi baadhisyo badan la sameyo.
waxa sido kale ka hadlay madashan #Cabdrizaq Darawal oo ka warbixiyay Darenkiisa Iyo Sida aynu uga dhacsanahay faaidada wax soosaarkena sheegayna inaynu isku filnaan karno hadii aynu wax beerano.
#Sh_Maxud_Xaliike aya Kamid aha Haldoor badan oo Goobta ka hadlay Wuxuna sheekhu Ku dheeraaday Beerashada Iyo Faaiidadeeda Sido kale wuxu shekhu Soo jediyay In sidan oo kale Qaadka Iyo sigaarka Cilmi baadhis lagu sameyo.
Ugu danbayntii waxa kulankan soo xidhay Gudomiyaha Gobolka
F.G : Buugan waxa aad ka heli karta TamTechnology Lasanod Oo U dhaw Masjidka Ramadan
M.C.F

   

Tags:

Author Description

No Responses to “Cilmi Baadhis ah oo laga Qoray Beera Gobolka Sool”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*